Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Afgembi fashilmay oo ka dhacay Ismaamulka Amxaarada Itoobiya & rasaas laga maqlay

Warar goor dhow uu baahiyey Telefishinka dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Afgembi dhicisoobay uu ka dhacay ismaamulka Amxaaradda, kadib markii ciidamo hubeysan ay isku dayeen inay la wareegaan hoggaanka maamulkaasi.

Xarunta Maamulka Amxaaradda ee magaalada Bahr-Dar ayaa la soo weriyey in rasaas xoog leh laga maqlay, ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada inqilaabka waday iyo kuwa maamulka Amxaaradda.

Waxaa la sheegay in xaaladda ay weli kacsan tahay, iyadoo wararka la helayo ay yihiin kuwo aad u kooban, iyadoo isgaarsiintu tahay mid cariiri ah.

Xoghayaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Negussu Tilahun ayaa warbaahinta u sheegay in afgembiga uu dhicisoobay, isla markaana ciidamada federaalka iyo kuwa maamulka ay xaaladda gacanta ku hayaan magaalada Bahirdar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u dhis Balaaran oo ku socda xarunta Safaarada Uganda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Micnaha dhabta ah ee laga wado Ereyada Siyaasada

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo taageero balaaran loogu muujiyay Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---