Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cudurka Ebola oo soo gaaray dalka Kenya iyo cabsi badan oo soo korortay

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warameysa in qof qaba cudurka halista ah ee Ebola lagu arkay gobolka Kericho ee dalka Kenya, waxaana gobolkaasi laga dareemayaa xaalada cabsi ah oo la xariira cudurkan.

Saraakiisha Caafimaadka Gobolka Kericho, ayaa sheegay in Haweeney Kenyan ah oo looga shakisan yahay in cudurka Ebolka ku dhacay la dhigay xarun caafimaad oo lagu karantiilayo si cudurka uusan usii faafin.

Haweeneydan cudurka looga shakisan yahay ayaa katimid dalka Uganda uu ninkeeda ku nool yahay, waxaana dowlada Kenya heygan galisay Hay’adaha caafimaadka si looga hortago in cudurkan uu sii faafo.

Dalka Uganda ayaa dhawaan lagu arkay cudurka Ebola dadna ku dilay, waxaana jirta cabsi xoogan oo laga qabo in cudurkan uu kusii faafo deegaano hor leh uuna geesto dhibaatooyin xoogan.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco cudurka Ebola oo kiis ka mid ah laga helay dalalka Ugandha iyo Kenya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo hawada ka celisay Diyaarada Fly Dubai oo ka degi rabtay Hargeysa

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Wanle-weyn

Caydiid Ali

Samia Suluhu oo Libaax qeylo badan ugu magacdartay Hoggaamiye Mucaarad ku ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---