DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Istanbul iyo khasaare ka dhashay

Qarax ka dhacay wadada caanka ah ee Istiklal Avenue ee magaalada Istanbul ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, sida uu sheegay sarkaal sare.

Guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in qaraxa uu dhacay abaare 4:20 galabnimo ee maanta iyo in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac, laakiin ma uusan sheegin tirada. Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa.

Muuqaal la soo dhigay online-ka ayaa muujinaya holac ka baxaya iyo jug xooggan, iyadoo dadkii lugeynayay ay soo jeesteen oo carareen.

Muuqaalo kale ayaa muujinaya baabuurta ambalaasta, baabuurta dab damiska iyo booliska oo goobta ku sugnaa. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa sheegay in dukaamada la xiray oo wadadii la xiray.

Telefishinka CNN Turk ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen. Waddada ayaa ah waddo ay dadku ku badan yihiin oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka, oo ay safnaayeen dukaamo iyo maqaayado.

Turkiga ayaa intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2017 waxaa ka dhacay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo ay geysteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo kooxaha Kurdiyiinta ee Gooni u goosadka ah

- Advertisement -