Ragii ka dambeeyay Dil duleedka Dhuuso Mareeb loogu geestay dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo…

Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay rag lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil dhawaan deegaanka Bulucale ee duleedka magaalada Dhuuso Mareeb loogu geestay dad kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali ayaa  sheegay in ciidamada amaanka Galmudug soo qabteen ragii ka dambeeyay dil afar ruux oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu geestay  duleedka Dhuuso Mareeb.

Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in ay aad uga xun yihiin falka dilka ah ay ragan geesteen, waxa uuna cadeeyay in ragan lasoo qabtay maxkamad la horgeyn doono si cadaalada loo marsiiyo.

Ciidamada amaanka Galmudug gaar ahaan kuwa ka howlgala Dhuuso Mareeb ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dil deegaanka Bulucle loogu geestay afar ruux oo ku sugnaa goob Shinida lagu xanaaneeyo.

Dadka lagu dilay deegaanka Bulacle ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoogsato kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dilkan uu cabsi badan ku beeray dadka xoogsata ah ee kunool Dhuuso Mareeb iyo duleedkeeda.

Dhacdadan iyadoo la hadal hayay xanuunkeeda uu taagnaa ayaa labo habeen kahor magaalada Gaalkacyo waxaa iyana ka dhacday dhacdo kasii argagax badneyd kadib markii dad ka badan 10-ruux oo kasoo jeeday Koonfur Galbeed iyp Hirshabelle hallaasi lagu laayay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -