Madaxweyne Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday Sadiq Khan

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday duqa magaalada London Sadiq Khan , oo marar badan hawada u marsiiyay Trump eedeymo caro badan ku abuuray.

Donald Trump ayaa fursad uu ku dhaleeceyn karo ka dhax arkay sadex weerar oo 24-saac gudahooda ka dhacay magaalada London oo lagu dilay sadex ruux, waxa uuna Trump ku tilmaamay Duqa London Sadiq Khan mid sharaf daro u ah Qaranka UK.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Sadiq Khan uu musiibo ku yahay magaalada London, waxa uu sidoo kale Donlad Trump ku sifeeyay Mr Khan mid bur burinaya sharafta  caasimada UK ee London.

Afhayeen u hadlay Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa sheegay in Sadiiq tacsi u dirayo ehelada dadka ay waxyyeeladu soo gaartay, waxa uuna xusay in uusan waqti ku lumineyn in hadalada nuucaas ah ka jawaabo.

Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha dalka Britain Jeremy Corbyn, oo ka hadlay hadalada Trump  ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in  Trump uu dhibaatada ka dhacday London  u adeegsado in uu ku weeraro Duqa  magaalada.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo Sadiiq Khan oo ah nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya ayaa marar badan baraha bulshada iyo Warbaahinta isku mariyay hadalo kul kulul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -