Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay meel ku dhaw Safaarada Israel ee magaala Nicosia iyo dad loo xiray

Qarax yar ayaa waxa uu maanta oo Sabti ah ka dhacay meel 30 Tallaabo (meters) u jirta Dhismaha Safaarada Israel ku leedahay Caasimadda Jesiirada Qubrus ee Nicosia.

Boliska Jesiirada Qubrus waxay sheegeen inuusan wax khasaaro ah geysanin Qaraxaasi.

Afar Muwaadin oo Syrian ah ayaa loo xiray Kiiskaasi, kuwaasi oo da’dooda u dhexeyso 17 jir ilaa 21 jir.

Maxkamad ku taalla Caasimadda Qubrus ee Nicosia ayaa la soo taagay Eedeysanayaasha, waxayna Maxkamadda amartay in Xabsiga lagu sii hayo ilaa ay Baarayaasha ka soo gudbin doonaan Caddaymaha Fal-dembiyeedka ay galeen.

Eedeysanayaasha waxaa la qabtay markii uu Qaraxu dhacay, xilli 2 ka mid ah ay lugeynayeen agagaarka Dhismaha Safaarada israel, halka labada kalena ay ku dhex jireen Gaari taagnaa nawaaxiga Safaarada.

Boliska waxay sheegeen inay gaariha ka dhex heleen Mindi, Burus iyo waxyaabo Kiimiko ah.

Related posts

Waalidiinta Caruurtooda loo qaaday Eritrea oo loogu baaqay in ay Degaan Ilinka Villa Somalia

Cabdi Cade

Xasan Cai Khayre oo si xooggan u cambaareyay heshiiskii Muuse Biixi & Abiye Axmed !!

admin

Shirkad dayuuradeed oo balan-qaad aan caadi aheyn u sameysay Macaamiisheeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---