Internet la’aan Maalintii 3aad ka jirta dalka Itoobiya iyo Sababta ka dambeysa

Dalka Itoobiya oo dhan dadka waxay internet la’aan yihiin maalintii saddexaad ee xiriir ah, taasoo saameyn weyn ku yeelatay heyaddo badan iyo qeybaha bulshada.

Arrintan ayaana ku soo aaday iyadoo imtixaanaadka qaranka ee iskuulladu uu socdo, dadka ayaana isla dhex maray in dawladdu ay khadka u jartay si ay uga hortagto qishka imtixaanka.

Shirkadda isgaarsiinta ee Ethio Telecom oo ah midda kali ah ee internetka dalkaas bixisa ayaa laanta Afka Amxaariga ee BBC u sheegay in aysan ruqsad u haysan in ay ka hadlaan arrinta internetka.

Sidoo kale dadka ku sugan dalka Itoobiya ayaan awoodin inay fariimaha gaaban isu diraan, ka dib markii uu adeeggaasi meesha ka baxay.

Arbacadii telefeshinka Dawladda ee ETV ayaa ku warramay in la qabtay afar arday oo qishayay iyaga oo jawaabo isugu dirayay fariinta gaaban ee SMS-ka oo telefanada la iskugu diro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -