Mashaqada Magaalada B/weyne ka dhacday oo lagu eedeeyay Waare iyo Guudlaawe !!

Golaha Badbaadaa Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay in masuuliyada  siyaasadeed ee mashaqada B/weyne ay dusha u ridanayaan  Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa.

Golaha ayaa  soo dhaweeyay faragelinta Dowladda dhexe,  iyo dowrka Odayaasha Dhaqanka, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif , Ciidamada Qalabka sida iyo AMISOM ay ka qaateen xalislinto.

Golaha  ayaa ugu baaqay  Duubabka, Xildhibaanada Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe in xalku ku jiro in Madaxweyne waare iyo Cali Guudlaawe xilka isaga tagaan ama laga qaado.

Bayaanka ayaa u qornaa sidaan.

Golaha Badbaadada Hirshabeelle ayaa Bayaankan ka soo saaray  Mashaqada ka dhacday shalay duleedka Magaalada B/weyne (Kalabeeyrka) taasoo ay ka dhasheen dhimasho sarkaal iyo dhaawac.

  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu canbaaraynayaa kana  ka tacsiyeeyn dilka naxdinta leh ee loo geeystay G/dhexe Maxamed Macoow Xalene Taliyihii Qeybta Booliska Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan,  Marxuumka waxan eebbe ugu baryeeynaa Janadii fardowsa  sidoo kalana samir iyo iimaan inuu ka siiyo qoyskiisii, Ciidamada Qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Dhanka kale Goluhu wuxuu EEBBE uga baryayaa Caafimaad degdeg Taliye ku xigeenkii Booliska Hirshabeelle  ee Qeybta Hiiraan  L/Xidigle Bashiir Cadaani Axmed oo dhaawac ka soo gaaray mashaqada kalabeyr.
  • Golaha Badbaada Hirshabelle waxaa uu u mahad celinayaa Madaxwynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo magacaabay guddi sare oo baaris ka soo sameeya mashaqada ka dhacday Kalabeyr oo uu Gudoomiye u yahay Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guud. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo khibrad sare oo baaris iyo haybad ciidan leh.
  • Golaha badbaada Hirsabeelle wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa Wasaarada Amniga Qaranka oo talaabo wax ku ool ah u qaaday kulana howlan sidii xasarada loo dejin lahaa.
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu bogaadinayaa dadaalka Odyaasha Dhaqanka iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ciidamada Qalabka sida iyo AMISOM ee ay ku dajinayaan xaaladda.
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu aaminsan yahay in dhibaatada ka dhacday Kalabeyr ay sabab u tahay fashilka siyaasadeed ee Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo  Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe)   iyagoo qiyaasi waayay mugga mushkilada ay ka abuureen Gobolka Hiiraan, waqtigii ku haboonaana tagi waayay Magaalada B/weyne si ay u xaliyeen isqabqabsiga maamul iyo sharaciyadeed.   
  • Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu aaminsan yahay inaan xal, iyo xasilooni siyaasadeed iyo  horumar  la gaari karin intii Maamul Goboleedka Hirshabeelle ay hogaaminayaan Madaxweyne Waare iyo Madaxweyne ku xigeen Cali Guudlaawe sidaa darted wuxuu Goluhu ugu baaqayaa Barlamaanka iyo Duubabka Hirshabeelle, Gudiga barista iyo xaqiiqo radianta,  Dowladda Dhexe ee Federaalka in loo baahan yahay  xal guud ee aan loo baahneyn  xal qaboojin ah oo ku meel gaar ah (Qandho jebiye) oo ay mashaqooyin kale oo ka xanuun badan xig xigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -