Allbanaadir.com
NEWS

Gaari Waxyaabaha qarxa ka buuxeen oo goordhaw ku qarxay Duleedka Muqdisho

Waxaa goordhaw gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay  xaafad kutaala Deegaanka Siinka Dheer ee kuyaala Duleedka magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay gaarigan ayaa qarxay xili uu marayay wado qardo jeex ah oo ku dhaw Koontaroolka Siinka Dheer, waxaana la sheegay in gaarigaasi uu ku qarxay wado uu marayay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in gaarigan waxyyeelo kasoo gaartay dadkii la socday, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya oo ku sugnaa Koontaroolka Siinka Dheer.

Wali lama oga gaarigan qarxay cida wadatay iyo bartilmaameedka gaarigaasi lala damacsanaa , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Caddaaladda iigu hiilli !

Cabdi Cade

Aabe canugiisa fal arxan daro ah kula kacay oo Maxkamad la soo taagay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shaafi Raabi oo muddo kooban lagu xiray garoonka dayuuradaha Aadan Cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---