Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidamada Xukuno Dil ay ku jiraan ku riday Gacan ku dhiiglayaal

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno dil ah ku riday labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya ee ka howlgala degmada Beled Xaawo kuwaa oo lagu helay in dilal bareer ah geesteen.

Maxkamada ayaana lasoo taagay Dable Boolis Axmed Xuseen Cumar oo loo heysto dilka Farxaan Xasan Mahad oo Shacab ahaa , Dable xoogga Cabduqaadir Faarax Dhaqane  oo loo heysto dilka Mowliid Baashe Cumar & eedeesanaha 3-ad oo lagu xukumay in uu bixiyo diyo boqol halaad ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aaad  Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Boolis Axmed Xuseen Cumar & , Dable xoogga Cabduqaadir Faarax Dhaqane   lagu xukumay dil toogasho.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaana sheegtay in ragan xukunka dilka ah lagu riday ay heestaan fursad 30-cisho ah ay ku qaadan karaan racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Madaxda Maxkamadaha G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Turkiga ka guddoontay deeq kale oo Caafimaad (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni & wafdi la socday oo safar dhulka ah ku tagay Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---