Al-shabaab oo dib looga qabsaday degaanka Af-urur & Axmed Karaash oo booqday

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta dib ula wareegay tuulada Af-urur ee gobolka Bari oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay gacan ku hayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa tuulada Af-urur qabsaday ayada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin ka dib markii xoogagii Al-shabaab ee halkaas joogay ay isaga tageen.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cimi Cismaan (Axmed Karaash) oo hogaaminayey qaar ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa tegay tuuladda Af-urur kadib markii ay ciidamadda Puntland gacantooda ay dib ugu soo noqotay.

Mudane Axmed Karaash oo la hadlay daweynaha ku dhaqan tuuladda Af-urur ayaa wuxuu u sheegay inay is dejiyaan noloshoodana ay caadi dib ugu soo celiyeen.

Ma aha markii ugu horeysay ee deegaanka Af-Urur ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana dhowr jeer ka dhacay weerar iyo qaraxyo lala beegsaday ciidamada iyo dadka shacabka ah ee tuuladaas ku dhaqan, kuwaasoo dhaliyey khasaare isu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -