Ciidamo katirsan AMISOM oo la geenayo Xarunta Aqalka sare iyo Cabdi Xaashi oo ka hadlay

Gudoonka Aqalka sare ayaa maanta dalbaday in ciidamo katirsan Midowga Afrika ee AMISOM la geeyo xarunta ay ku shiraan oo kutaala meel ku dhaw xarunta Hay’ada Nabad sugida Qaranka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in qoraal u direen Taliska ciidamada AMISOM kana dalbadeen in la siiyo ciidamo suga amaanka xaruntaasi.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Aqalka sare in qoraalkooda uu gaaray taliska AMISOM, waxa uuna tilmaamay in ay rajeenayaan in AMISOM codsigooda kasoo jawaabto loona keeno ciidamo  AMISOM katirsan.

” Qoraal ayaan u dirnay AMISOM oon kaga dalbaneyno in ay noo keenaan ciidamo suga amaanka xarunta, arintan mudo ayey soo socotay aqalka sarana go’aan ayuu ku gaaray in ciidamo katirsan AMISOM xarunta la keeno” Ayuu yiri Gudoomiyaha Aqalka sare.

Amaanka Xarunta Aqalka sare waxaa horey u sugayay ciidamo katirsan dowlada, waxa ayna tilaabadan muujinaysaa sida Madaxda sare ee dalka aysan ugu kalsooneyn in amaankooda ilaaliyaan Ciidamada Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -