Dowladda Soomaaliya oo magacawday guddi baaritaano ku sameeya xaalada Laascaanood

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in guddiga u magacaabay si warbixin uga soo diyaariyo xaalada ka taagan magaalada Laascaanood ee sababtay in dad badan oo shacab ah lagu dilo kuwa kalana lagu dhaawaco.

Guddiga uu magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka ayuuna faray in si degdeg ah u howlgalaan una soo gudbiyaan warbixin dhameestiran oo ku aadan xaalada ka taagan magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -