Madaxda Qaranka oo boqolaal qof Salaada Ciidul-fitriga kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Iyadoo maanta magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka si weyn looga ciiday munaasabadda Ciidaul Fitriga ayaa madaxda Qaranka waxaa ay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciida kula oogeen Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Raiisul wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre, madax kale oo ka tirsan Dowladda, xubnaha golayaasha kaladuwan ee dowladda ayaa si wadajir ah boqolaal dadweyne ah ugala dukaday salaadda Ciida Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa dhankiisa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay dabaal dega ciida, isagoo u rajeeyey in ilaahay uu dhibta ka saaro, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo guul iyo barwaaqo.

Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed dhamaantood ugu hambalyeeyey dabaal dega munaasabadda ciidul fitriga, maadaama ay guteen waajibaadkii alle uu saaray, isla markaana waxay u rajeeyeen umadda Soomaaliyeed in ilaahay uu dhibta ka saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -