Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii Tubta Maamulka G/Banaadir oo looga dooday Xeerar Muhiim ah (Sawirro)

Shirkii Tubta Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo masuuliyiinta laamaha dowlada hoose.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa shir gudoomiyey kulankan oo looga dooday Xeerka Maareynta Qashinka caasimadda iyo dayactirka leerarka ku shaqeeya Cadceeda.

Ing. Yariisow oo ka hadlay kulankan ayaa ka waramay muhiimada ay leeyihiin xeerarkan iyo sida loogu baahan yahay in loo hirgeliyo.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya la guda galayo xili roobaadkii la sugayey, uuna Maamulkiisu xoojinayo nadaafada caasimada si looga hortago cudurada halista ah ee ka dhalan kara roobabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kursi loo diiday in uu u tartamo Siyaasi Caan ah oo doorashadiisa la hakiyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Afhayeenka Al-Shabaab oo war ka soo saaray qaraxii gobolka iyo shaqsiga lala beegsanayey

Caydiid Ali

Sii Akhriso Magacyada Lixda Senator ee maanta lagu dooran doono Dhuusomareeb

Cabdi Cade