Al Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo kuwa …

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose kaga sugnaateen ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic Al Shabaab ku garaaceen saldhiga, waxaana xiligaasi kadib bilowday rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta ah ee ku sugnaa saldhiga.

Dadka ku dhaqan degmada Afmadow ayaa sheegay in si weyn u maqlayeen rasaasta labada dhinac is dhaafsanayeen, waxa ayna dadka deegaanka sheegeen in markii dambe dagaalka joogsaday kadib markii dib u laabteen ragii weerarka soo qaaday.

Saraakiil katirsan ciidamada la wareeray ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, waxa ayna xaqiijiteen in khasaaro uu dagaalka kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Al Shabaab ayaa weeraro u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq xiliyada habeenkii marraka qaar ku qaada saldhigyada ciidamada dowlada iyo kuwa maamulada ku leeyihiin qaar kamid ah gobolada dalka.

 

- Advertisement -