Koox dhalinyaro ah oo gabar 9 jir ah ku fara xumeeyey gobolka Hiiraan

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan koox dhalinyaro ah ay gabar da’deeda lagu qiyaasay 9 sano jir ku kufsadeen gudaha degmadaasi.

Dhalinyarada falka Kufsiga ah geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen oo aan midkoodna gacanta lagu heynin, iyagoo galay tuulooyin ku dhow degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan Cabdicasiis Duurow ayaa KNN u sheegay in falkan kufsiga uu ka dhacay Bartamaha degmada, isla markaana ciidamada amaanka ay ku daba jiraan kooxda falka geysatay.

Qoyska gabadha kufsiga loo geystay ayaa Maamulka degmada Buula Burde  iyo Hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay cadaalada horkeenaan cidii ka dambeysay falka kufsiga ah.

Falalka kufsiga ah ayaa bilihii ugu dambeeyay ku soo badanayey degaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka, iyadoo la qabtay, lana maxkamadeeyey qaar ka mid ah raggii ku kacay halka kuwo kalena ay ku jiraan baxsad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -