Maxkamada gobolka Banaadir oo go’aan ka gaartay xariga weriye Cali Aadan Muumin

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo weriye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warnaahita Goobjoog ee magaalada Muqdisho inta uu ka dhamaanayo Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Soomaaliya.

Weriyaha ayaa la sheegay inay dacwad ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya oo ku dooday inuu halis ku yahay bedqabka imtixaanka dowladda, kadib markii uu bartiisa Facebook ku soo qoray inuu hayo qishka imtixaaka dowaldda ee hadda socda, kaasoo ah ku celis, kadib markii uu fashilmay imtixaankii hore.

Weriye Cali Aadan Muumin ayaa looga yeeray xarunta CID-da, halkasoo lagu xiray shalay markii uu tegay, waxaana lagu wadaa in xoriyadiisa dib loo siiyo Khamiista Berri gelinka danbe oo imtixaanka dowladda uu dhammaan doono.

Wararka ayaa sheegaya in weriyaha dib loogu celiyey xabsiga CID-da oo shalay nlagu xiray halkaasoo uu uu ku sii jirayo illaa beri 1:30 daqiiqo  duhurnimo, isagoo xiligaas ka dib dib u heli doona xoriyadiisa sida Maxkamadu amartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -