Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada AMISOM

Xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay weeraray saldhig ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaanka Bilis Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan oo saldhigaas degenaa ayaa iska caabin sameeyey, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hub kala duwan.

Maamulka degaanka Bilis Qooqaani oo hoostagta degmada Afmadow ayaa sheegay inay weerarkaas ka war hayeen kana hortageen, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen xoogagii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday.

Guddoomiyaha degaanka Bilis Qooqaani Muuse Macalin ayaa sheegay in dhankooda aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkaas, balse ay arkeen meydka ruux ay dileen oo goobtii lagu dagaalamay looga tagay.

Dagaalkan xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka J/Hoose ayaa ku soo aadayaa xilli gobolkaasi uu abaabul  dagaal ka wado Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, wax war ahna kama soo bixin dhinacyada halkaas isku fara saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo daahfuray howlgelinta Bangiga Dhiigga (Sawirro)

Cabdi Cade

Boqolaal arday ka qelin jebisay Jaamacadda Banadir oo shahaadooyin la gudoonsiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Sheekh Shariif kala hadlay Arin uu Walaac ka muujiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---