Allbanaadir.com
NEWS

Wadahadalo Xasaasi ah oo Nairobi uga furmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Xoggo ay heshay Shabakadda Allbanaadir ayaa sheegaya in magaalada Nairobi caawa uga bilowday shir wadashi ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxwynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ujeedka shirka labada Madaxweyne u furmay ayaa ah sidii looga tashan lahaa arimaha dastuurka, xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ee dalka .

Shirkan u bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa wararku sheegayaan in ay kasoo shaqeeyeen siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Abgaal, kuwaa oo labada masuul ka shaqeenaya in ay isku soo dhawaadaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guda jira inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka dowladda, kuwaa oo fariisin ka dhigtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday wax ka bedelka Dastuurka, waxa uuna isbaheysi la sameestay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland.

Related posts

Gudoomiye Jawaari ” Maqaamka Muqdisho Saddex Nuuc midkood ayuu noqon karaa”

Cabdi Cade

Shiinaha oo ka digay Cawaaqib xun oo ka dhalan kara haddii Pelosi ay booqato Taiwan

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka digtay roobab, dabeylo & fatahaado ku soo fool leh dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---