Bilyaneer Carbeed oo iibsaday koox ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska

Bilyaneer u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Sheikh Khaled bin Zayed Al Nehayan ayaa aduun lacageed oo gaareysa 350-Milyan oo gini ku iibsaday kooxda horyaalka Premier League ka ciyaarta ee Newcastle.

Sheikh Khaled bin Zayed Al Nehayan ayaa kamid ah qoyska haya talada dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna Bilyaneerkan ilmo adeer yihiin milkiilaha kooxda kubada cagta ee Manchester City ee Sheikh Mansour.

Hantiilahan carbeed ee iibsaday kooxda kubada Newcastle United ayaa horey ugu fashilmay in uu kooxda Liverpool ku iibsado aduun lacageed oo gaaraya 2 Bilyan oo dollar, waxa uuna hada doonayaa Sheekh Khaled in kooxda Newcastle ka dhigo sida Man City.

Taageerayaasha kooxda Newcastle ayaa aad ugu farxay in kooxdooda uu iibsaday hantiile carbeed, waxa ayna taageerayaasha aaminsan yihiin kooxda isbadal ku imaan doono ayna lasoo wareegi doonto ciyaartoy dunida magac ku leh oo dhaqaalo doon ah.

Maalqabeeno Carbeed oo sidooo kale kasoo jeeda qoysaska haya talada Wadamada Qadar iyo Imaaraadka ayaa horey u iibsaday kooxo magac ku leh kubadad cagta xiligan sida kooxaha Mancheser City iyo PSG.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -