Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug xildhibaan katirsan gollaha shacabka loogu doortay Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kursiga tirsigiisu ahaa HOP#138 waxaa ku guuleestay Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ,kaddib markii doorashada ka tanaasushay gabadhii la tartameysay Naciimo Xuseen Cali.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur  Warsame ayaa loogu codeeyay qaab gacan taag ah markii loo tanaasulay , waxaana u codeeyay dhammaan ergadii codeeneysay oo gaareysay 86-ergo.

Siyaasigan ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii kursigan beeshiisa ugu guuleesan lahaa, waxaana horey ugu tanaasulay musharaxiin dhoor ah oo kursigan damac ka galay, iyadoona ugu dambeyn kursigan kusoo baxay CC Warsame iyada oon lala tartamin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=IGs1VGTGzTA&t=204s

Related posts

Deni oo ku laabtay Garoowe, kulamo xasaasi ah ahna la leh Maamulkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalalkii ugu horeeyey Qaarada Afrika oo bilaabaya tijaabada talaalka Coronavirus

Caydiid Ali

Rooble oo arimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Imaaraadka u jooga dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---