Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Mukhtaar Roobow oo la kulmay Culumaa’udiin, (Muxuu kala hadlay)

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah culimada iyo ducaadda Wasaaradda.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa dardar-gelinta iyo xoojinta howlaha wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, maadaama lagu guda jiro dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ay dadka iyo dowlada Soomaaliyeedba ay kula jiraan Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ducaadda uga mahad celiyey doorkii muuqdey ee ay kasoo qaateen baraarujinta bulshada iyo ciidamada qalabka iyo caddeynta xaqnimada dagaalka hubeysan iyo midda fikirka ah ee lagula Khawaarijta iyo guud ahaan garab istaagii iyo taageeradii ay culimaa,udiinka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowlad Federaalka Soomaaliya, si Dalka loo xoreeyo kooxda Al Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa culimada uu la kulmay ku baraarujiyay in qeyb ka noqdaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab ayna bulshada ka wacyi geliyaan fikirka xagjirka iyo ka been sheegida diinta Islaamka.

Related posts

War uu daabacay Bogga xafiiska RW oo deg deg looga saaray iyo Xog ku aadan Sababta

Caydiid Ali

Ilaalada Kacaanka Iran oo qabsaday markab xamuul oo xiriir la leh Israel

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre aqbalay in uu is casilo ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---