Boqorka Sacuudiga oo Casuumad usoo diray Amiirka dalka Qadar

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa ku casuumay  Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani in uu kasoo qeyb galo shir deg deg ah oo 30-ka bishan ka dhacaya magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarama.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Abdulatif Bin Rashid  ayaa warqada Casuumada ee katimid Boqorka Sacuudiga ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadad Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al Thani

Shirkan lagu casuumay Amiirka dalka Qadar ayaa looga hadli doonaa weeraro ay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yaman ku qaadeen gudaha Sacuudiga iyo sidoo kale maraakiib kuwa shidaalka qaada ah ay leedahay Imaaraadka.

Isbaheysiga Sacuuduga hogaamiyo ayaa xiriirka u jaray sidoo kale go’doon galiyay dowlada Qadar, waxaana xiligaasi waxii ka dambeeyay aad u xumaa xiriirka Qadar kala dhaxeeya Isbaheysiga uu Sacduudiga Hogaamiyo.

Wali si rasmi ah looma oga in Amiirka dalka Qadar uu ka qeyb gali doono shirkan ka dhacaya Sacuudiga ee lagu casuumay, waxa ayna casuumada kusoo aadeysaa xili wali uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -