Jubbaland oo waxbo kama jiraan ku tilmaantay hadal kasoo yeeray Musharax C/rashiid Xidig

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in meel gurigiisa ku dhaw laga soo saaray qarax miino uu tilmaamay in lagu doonayay in isaga lagu dhibaateeyo.

Musharaxa ayaana ku eedeeyay maamulka Jubbaland saraakiil katirsan in qaraxaasi iyagu maleegeen, waxa uuna qaraxaasi  miino ee la fashiliyay ku tilmaamay mid siyaasadeesan oo isaga lagu beegsan lahaa.

Hadalkaasi kasoo yeeray Musharax Cabdirashiid Xidig waxaa si adag uga jawaabay taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Korneel Maxamed Naasir Guuleed , waxa uuna taliyaha sheegay in qaraxa lagu aasay goob aan u dhaweyn guriga Musharaxa.

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa ay fashiliyeen ciidamada amaanka Jubbaland, waxa uuna tilmaamay in qaraxaasi la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka ,isagoona meesha ka saaray in Musharaxa lala damacsanaa ama lagu aasay meel gurigiisa ku dhaw,

Taliska booliiska Jubadda Hoose ayaa sheegay in eedeynta Musharaxa usoo jeediyay laamaha amaanka aysan waxbo ka jirin, waxa ayna sheegeen in warka kasoo baxay musharaxa uu yahay mid uu ku xoojinayo ololihiisa musharaxnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -