Saudia Arabia oo sheegtay iney beri tahay Maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in beri oo Isniin ah ay noqoneyso maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan, kaddib markii magaalooyin ka mid ah Sacuudiga laga arkay bisha.

Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa shaaciyay in beri ay tahay Soon ayna caawa bilaabaneyso dukashada salaada taraawiixda.

Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa beri laga soomi doonaa, waxaana waddamada qaar wali wadaan xaqiijinta in beri ay u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin curashada bisha Ramadaan, waxaana loo badinayaa in wasaaradda ku dhawaaqdo in beri soon tahay.

 

- Advertisement -