Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Daawo Sawirada Ninkii doonayay in uu isku qarxiyo Guriceel oo lasoo bandhigay iyo Jirdil xoogan oo…

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa maanta degmada Guriceel ku qabtay nin dhalinyaro ah oo doonayay in uu isku qarxiyo munaasabad magaaladaasi ka socotay ayna ka qeyb galayeen Madaxda sare ee Ahlu Sunna.

Ninkan oo jirkiisa waxyaabaha ku xirnaayeen ayaa damcay inuu isku qarxiyo goob ay joogeen Hogaanka ugu sareysa Kooxda Ahlu Sunna , saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaana si deg deg ah u qabtay ninkan kadib markii ay u qarxi waayeen waxyaabihii jirkiisa ku xirnaa, waxa ayna ciidamada ka fureen qaraxyada iyagoona isla goobtaasi ugu geestay jirdil xoogan.

Dadkii munaasabada ku sugnaa iyo ciidamada qaar ayaana laga celiyay ninkan doonayay in dadka goobtaasi ku laayo, waxa ayna dadkan oo careesnaa doonayeen in ninkaasi noloshooda halista galiyay in si xun u jir dilaan.

Ciidamada baarista Ahlu Sunna ayaa la wareegay ninkan doonayay in uu is qarxiyo, waxa ayna ciidamada durba bilaabeen baaritaano deg deg ah ninkaasi ku sameenayaan , waxaana ciidamada Ahlu sunna la galiyay heegan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Shiikh Shaakir oo u digay ciidamada DF ee ay tababareen Maraykanka & Turkiga

Caydiid Ali

Farmaajo oo Madaxda Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir isugu yeeray & Puntland oo …

admin

Al Shabaab oo shaacisay Sababta ay u toogteen Yaasiin Maxamuud Cumar

Cabdi Cade