Al Shabaab oo shaacisay Sababta ay u toogteen Yaasiin Maxamuud Cumar

Xarakada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay xukun dil ah kula fulisay nin ay ku eedeeyeen in uu ahaa basaas u shaqeenayay sirdoonka dowlada Mareykanka.

Maxkamada Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa xukun dil ah ku riday Yaasiin Maxamuud Cumar oo Al Shabaab ku eedeeyeen in uu u basaasayay sirdoonka dowladda Mareykanka kana howlgalayay Shabeelaha Dhaxe.

Al Shaaab ayaa sheegtay in ninkan uu qirtay in sarkaal Maraykan ah oo jooga xarunta Xalane ee Muqdisho uu usoo diray xogta iyo Lambarada xubno katirsan dhaq dhaqaaqa ee  Al-Shabaab.

Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegtay in ninkan xukunka dilka ah lagu fuliyay uu soo qaatay qandaraas uu ku keenayo xogta saraakiil katirsan Al Shabaab oo ku sugan Sh/ dhaxe, waxa ayna sheegeen in ninkan loo balan qaaday lacag kumanaan dollar ah.

Fagaaraha kuyaala Degmada Aadan Yabaal ee ninkan lagu toogtay waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne badan oo usoo daawasho tagay sida xukunka u dhacayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -