(Akhriso) Shiikh Shaakir oo u digay ciidamada DF ee ay tababareen Maraykanka & Turkiga

Madaxweynaha Galmudug Garabka Ahlusunna, Shiikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Al-Shabaab mar kale lagu beerayo dhulkii ay horey uga saareen ee degaanada Galmudug taasoo uu sheegay ineysan aqbali doonin.

Ma sheegin Shiikha cida Al-Shabaab ku beereysa degaanada ay horey uga saareen hase ahaatee dadka wax falanqeeya ayaa aminsan in hadalkaas loola jeedo dowlada Somalia.

Waxaa ugu baaqay DFS. Dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka in ladhiso gole loo dhanyahay oo u xil-saaran Federaalnimada. dimoqoraadiyada & doorashooyinka gobolada inta uu dalka helaayo xasilooni siyaasadeed oo degan.

Shiikh Maxamed Shaakir ayaa dhinaca kale ka digay in ciidamada ay tababareen Wadamada Mareykanka iyo Turkiga loo adeegsado caburinta Shacabka iyo dano gaar ah oo siyaasadeed sida uu yiri.

Hadalka Shiikh Shaakir ayaa yimid saacado ka dib markii maanta Madaxweynaha Galmudug ee taabacsan DF Axmed Qoor-qoor uu booqday xeryo ciidan oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA SHIIKH SHAAKIR OO DHAMEYSTIRAN:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -