Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Finish oo Xil ka qaadis iyo Xabsi isugu daray Gudoomiye Degmo iyo Sababta keentay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in in markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii degmada Shibis  lagu xiray xarunta dambi baarista C.I.D si baaris loogu sameeyo falal la xariira musuq-maasuq.

Gudoomiyahan xilka laga qaaday lana xiray ayaa la sheegay in uu Guryaha kuyaala degmada Shibis kusoo rogay bixinta lacago Canshuur ah oo la sheegay in uusan ka war heyn maamulka sare ee gobolka Banaadir.

Talaabadan uu qaaday gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa walaac ku abuuraya Gudoomiyaasha kale ee degmooyinka gobolka Banaadir oo mararka qaarku kaca  musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka ECOWAS ee ku duulaya dalka Niger oo heegan la geliyey & Mareykanka oo..

Caydiid Ali

Xildhibaanada Mucaaradka oo weli ku dhegan Farmaajo & C/raxmaan C/shakuur oo..

Caydiid Ali

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo taageero xooggan loogu muujiyay dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---