Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Masuul ka tirsan Maamulka Galmudug oo lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo

Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa xalay lagu dhaawacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerarkan.

Falkan ayaa dhacay ka dib markii Askari ka tirsan Ciidamada amniga Galmudug uu rasaas ku furay Mooto uu la socday masuulkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed Qoodeeye.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askariga uu ka shakiyey Mootada taasoo keentay inuu rasaas ooda kaga qaado.

Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dhaawaca Axmed Qoodeeye si xaaladiisa caafimaad loo baxnaaniyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxay sheegeen in askariga dhaawacay Guddoomiyaha ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ee ku sugan Magalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo amray Sirdoonka Mossad in wadahadal la furaan Soomaaliya

Cabdi Cade

Maxkamada Sare ee ciidamada oo dil ku xukuntay C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Digniin adag u diray Wadamada iyo Shirkadaha Shisheeye ee… 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---