Madaxweyne Farmaajo oo Digniin adag u diray Wadamada iyo Shirkadaha Shisheeye ee… 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo goordhaw khudbad xasaasi ah ka jeediyay Munaasabada furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay arimo badan ay kamid yihiin wadamo iyo Shirkado xadgudub ku haya Qaranimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya in aysan marnaba dowlada Federaalka raali ka noqon doonin in lagu soo xadgudbo taako kamid ah xuduudaha Soomaaliya dhul iyo cirba .

Farmaajo ayaa sheegay in Shirkadaha shisheeye aysan wax heshiis ah la gali karin maamulada dalka iyada oo aysan raali ka aheyn lana soo marsiin Hay’adaha dasuuriga ee arimahaasi ku shaqada leh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga digay Wadamada shisheeye iyo Shirkadaha Ajaaniibta ah  in aysan marnaba ka ogolaan doonin  in ay ku xadgudbaan  Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya .

”Waxaan uga digayaa Wadamada iyo shirkadaha shisheeye in aysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnidamada Soomaaliya , waa dhab in aan xaalad adag ku jirno oo daruufo adag na heestaan , waa dhab in dhaqaalaheenu liito oon wali isku filneyn, waa dhab in dad qaar aysan fahamsaneyn bixinta canshuurta, canshuur la’aan waa dowlad la’aan, waa dhab in hay’adaha amniga aysan ahayn sidii la rabay, intaas iyada oo na heysato, dadka Soomaaliyeed daruuf kasta oo ay ku jiraan waa dad ad adag, dadka Soomaaliyeed waa dad qiimeeya dadnimadooda iyo dowladnimadooda, hal taako oo ka mid ah dhulka Soomaalida inuu si xun ku baxo ma doonayaan” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dadka Soomaaliyeed yihiin dad qab weyn oon marnaba quursi yeeleyn balse hada looga faa’iideesanayo sida uu tilmaamay isku xirnaasho la’aanta.

” Hadaan isku xiranahay naguma soo xadgudbi karaan dowlado iyo shirkado shisheeye, walaahi hadaan isku tiirsanaano oon isku xiranahay naguma xadgudbi karaan Wadamo iyo Shirkado Shisheeye, waaan ogolnahay maalgashi balse ma ogolin qab iyo quursi in nalagu sameeyo” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuurta xaqa ah ee lagu leeyahay si dowladu isugu filnaato loogana maarmo dhaqaalaha Wadamada Shisheeye.

Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal , waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan dhaqaalana ku bixiyaan dagaal lala galo Kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan si toos ah khudbadiisa maanta ugu soo hadal qaadin faragalinta qaawan ee dowlada Imaaraatka Carabta ku heyso Soomaaliya iyo Heshiiskii Sadex Geesoodka ahaa ee lagu qeyb qaday Dekadda Berbera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -