Ciidamada Kenya oo dagaal looga saaray degaan ka tirsan Jubbooyinka

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Kenya, kuwa Jubbaland iyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay saaka degaanka Diif ee gobolka Jubada hoose

Sida wararku sheegayaan dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii xoogag ka tirsan  Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhiga ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin Deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Intertnet-ka waxa ay ku shegeen inay la wareegeen deegaanka DIIF ayna ka saareen ciidamada Kenya iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay hub farabadan ka qaateen Saldhigyadii ay la wareegeen ee degaanka DIIF, ayna halkaas ku laayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan Kenya iyo Jubbaland.

Goob-joogayaal degaankaas ku sugan ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubballand ay isaga baxeen degaanka ka dib weerarkaas

Ma jiraan Warar madax banaan oo sheegaya sida ay degaankaas wax uga dhaceen iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan saaka ka dhacay Diif, sidoo kale dhinacooda ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland weli kama hadlin weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -