Madaxweyne Farmaajo oo Cadeeyay sababihii fashaliyay Shirkii Garawe kana hadlay arimo kale oo…

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabada 15-ka May ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garawe iyo sababihii keenay in shirka natiijo la’aan kusoo dhamaado.

Farmaajo ayaa sheegay in ajandaha ay shirka Garawe u tageen uu ahaa Amniga, balse madaxda maamul goboleedyada ay badaleen ajandihii kulanka ayna ka dhigeen mid looga hadlayo arimaha siyasaasadda.

”Waxaan soo jeedinay in shirka looga hadlo arimaha Amniga ,Madaxda maamulada waa nagu diideen in ajandaha shirka noqdo amniga waxa ayna dalbadeen in marka hore laga heshiiyo siyaasada ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay Farmaajo in Madaxda maamul goboleedyada ay doonayeen in la sameeyo madal aan sharci aheyn, waxa uu sidoo kale xusay in Madaxda maamul goboleedyada doonayeen in gacanta loo galiyo sharciga doorashooyinka ee horyaala Baarlamaanka .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba dhici doonin in waqti ku darsadaan xiliga doorashada Dowlada federaalka iyo sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ee doorashadooda dhaw dahay.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili dhawaan uu fashil kusoo dhamaaday shirkii Garawe ku yeesheen Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -