Arinta Galmudug oo lagu sifeeyay Qof Xanuunsan oo hadana Daawadii loo qoray Diiday !!

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan ka taagan maamulka Galmudug, waxa uuna Madaxweynaha xaalada uu maamulkaasi ku jiro usoo qaaay tusaalooyin.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo intii shirka Garawe socday qodobadii ugu adkaa la iskuna mari waayay waqti badana qaatay ay kamid ahaayeen arinta maamulka Galmudug oo hada labo garab u kala jabsan.

Farmaajo ayaa sheegay in ay soo bandhigeen in Galmudug loo qabto dib u heshiisiin si ay u wada hadlaan bulshada Galmudug, waxa uuna xusay in arintaasi uu aqbalay Madaxweyne Xaaf balse la tashi uu sameeyay kadib uu mar kale diiday Xaaf arintaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xaalada Galmudug hada ku sugan tahay ku tilmaamay ruux xanuunsan oo dhaqtar loo geeyay hadana Daawadii dhaqtarka usoo qoray aan dooneyn in uu isticmaalo.

“Qofka hadduu xanuunsan yahay saddex weji ayuu maraa, weji waa inuu aqbalo inuu xanuunsan yahay oo uu isbitaal aado, waxaa u baahanahay uu yiraahdo xaaladeyda inaan ogaado, wejiga labaad waa in la fiiriyo xaaladiisa cudurka uu qabo iyo xaalada uu ku jiro, sida loo daaweyn karo, qeybta saddexaad waxaa loo qoraa daawo, arrinta Galmudug marka ka hadlo arrimaha kale gaar weeye, waa aragnay dhibka jira, waa dhageysanay, waa baarnay waxaa ogaanay in loo baahan yahay in la wada hadlo, dadka gobolka degan dib u heshiisiin in loo sameeyo, ka bacdi doorashada in la galo, madaxweynaha walaalkey ma aqbalin daawadii mana qaadan, qofka marka meel yimaado waa xanuunsanahay daawo la siiyo asiga la rabaa inuu kala doorto daawadii inuu diido, haddii la idin yiri Galmudug lama xalin waa la xaliyay, waqti kororsi intaas ka badan waa in go’aan ka gaaraan dadka reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa ayaa u muuqana in aysan marnaba dowlada Federaalka aysan raali ka aheyn damaca ku jira Madaxweynaha Galmudug Xaaf ee ah in uu waqti ku darsado xili maamulka jira Waqtigiisa ku eg yahay bisha lixaad ee sanadkan.

- Advertisement -