Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay rag weerar culus ku qaaday

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxa ay kusoo qabteen labo nin oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen weerar hoobiyaal loo adeegsaday.

Labo nin oo katirsan Al Shabaab oo watay hoobiye ayaa madaafiic ku garaacay xero ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaarey, waxaana ragan madaafiicda markii ay tuureen kadib u baxsadeen dhinaca buuraha.

Taliyaha Booliska Gobolka Gedo Cabduqaadir Cumar Biixi ayaa sheegay in ragga weerarka hoobiyeyaasha ah geystay ay ahaayeen labo, isla markaana ay wateen Mooto, kuwaas oo uu sheegay inay u baxsadeen dhanka Buuraha ee degmada Garbahaareey.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgal gaar ah ay ciidamada ka sameeyeen dhinaca buuraha ee kuyaala duleedka degmada Garbahaarey ay kusoo qabteen labada nin ee lagu tuhmayo in weerarka ka dambeeyeren.

Degmada Garbahaarey oo kamid ah goobaha ay ka dhacayaan doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa si weyn loo adkeeyay amaankeeda , waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo amaanka degmada lagu xaqiijinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -