(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiir, Goodax, Maamulka G/Banaadir & dalladaha Waxbarashada?

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen maanta Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banadair iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa laga soo saaray baaq loo diray ardayda Dugsiyada Sare ee imtixaankoodii la joojiyey oo maanta bannaabaxyo waaweyn ka dhigay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu guddoomiyey Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, ayna ka qeyb galeen Ku-simaha Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa loogu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay Iskuulladooda ku laabtaan, isla markaana si wanaagsan ugu diyaar garoobaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare oo ay wasaaradda waxbarashadu dib u qaadi doonto 27-31 bishan May.

Baaqan ayaa soo baxay iyadoo ardayda bannaabaxa dhigay ay diideen inay maqlaan Wasiir Goodax iyo taliyaha ciidamada Booliska oo ugu tegay Isgoyska KM-4, iyadoo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada.

Ma cadda in ardaydu aqbali doonaan imtixaan kale oo laga qaado iyo in kale, waxaana arintan ay noqotay hadal heynta ugu badan ee ka jirtay caasimada dalka iyo gobolada dalka qaarkood 24kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -