(Sawirro) Antonio Guterres oo booqday Masjidyadii lagu laayey Muslimiinta New Zealand

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa muujiyay taageerada iyo khushuuca uu u hayo bulshada muslimiinta ee ku nool dalka New Zealand ka dib markii uu booqday 2-masaajid oo bishii Maarso ee sanadkan  lagu dilay 51-ruux oo muslimiin ah.

Guterres ayaa Masaajidyada Al-nuur iyo Linwood kula kulmay dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay labadaas masjid iyagoo halkaasi joogay muddo ku dhow saacad,.

Hadal uu sii daayey intii uu ku guda jiray booqashadiisa oo dhacday saaka ayuu ku baaqay in dadaal lagu bixiyo sidii loo baabi’in lahaa hadalada naceybka ah ee u sii fidaya sida dab qabsaday howdka, kaasoo lagu baahiyo  baraha bulshada.

Abdul Aziz oo ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay 2-ba daasi masjid, isla markaana isku dayey inuu ka hortago ninkii geystay falalkaasi,oo isna ka hadlay kulankii booqashadaasi ayaa ammaanay dadaalka Xoghayaha Guud, wuxuuna inta raaciyay inay sharaf u tahay in bulshada muslimka ah lala qeybsado xanuunka.

Xasuuqii ka dhacay Magaalada Christchurch  ee dalka New Zealand waa kii ugu xumaa ee loo geysto dad muslimiin ah, kaasoo uu fuliyay nin lagu magacaabo Brenton Tarrant oo 28-sano jir ah oo dhashay dalka  Australian kaasoo hadda xabsiga ku jira.

United Nations Secretary-General Antonio Guterres, center, gestures to Al Noor mosque Imam Gamal Fouda, right, during a visit to the mosque in Christchurch, New Zealand, Tuesday, May 14, 2019. Guterres is on the final day of his three-day visit to New Zealand as part of a trip to the South Pacific to highlight the problems of climate change. (AP Photo/Mark Baker)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -