Allbanaadir.com
NEWS

Labo qof oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa caawa waxay magaalada Muqddisho ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowlada iyo qof shacab ah, sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka Dowladda.

Askariga la dilay ayaa ku sugnaa Bar Kontrol oo ku dhow Hotelka Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Dadka degaanka ayaa sheegay in sidoo kale Dableyda hubeysan ay dileen qof shacab ah oo goobta ka dhowaa, ka dibna goobta ay ka baxsadeen.

“Niman Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa fiidkii agagaarka Hotelka Towfiiq waxay ku dileen askari iyo qof shacab ah, askariga markii la dilayay waxaa uu ku mashquulsanaa baarista Gaadiidka wadada isticmaaleysay, mar qura ayaa rasaas lala dhacay, kadib raggii way baxsadeen.” ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsaday.

Maamulka degmada iyo Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay iney gaareen goobta iyagoo halkaas ka qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo saarnaa Gaari ka mid ahaa gaadiidka ku jiray safka Baabuurta ah ee la baarayay, iyagoo ku tuhunsan iney dilalkan wax ka maleegeen.

Dilalka noocan ah ayaa ku soo batay maalmahan Muqdisho, xalay ayeyna aheyd markii xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Millatariga oo lagu magacaabi jiray Yuusuf, sidoo kale sabtidii xaafada Taleex ee degmada Hodan waxaa lagu dilay Nabadoon Axmed Jimcaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga oo ku dhegan qorshe uu wato Madaxweyne Biden

Caydiid Ali

Duqeyn lagu xasuuqay Haween iyo caruur boqol ka badan oo ka dhacday Siiriya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo si adag u beenisay war been abuur ah oo la faafiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---