Farmaajo oo ka mid noqday 25 Madaxweyne oo lagu casuumay ka qeyb galka shir caalami ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay dhawaan u ambabaxaan dalka Ruwanda, halkaasoo ay shir uga qeybgeli doonaan.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa lagu casuumay ka qeybgeli doona Shir madaxeedka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo Maalinta Arbacada ah ka dhici doona dalka Ruwanda, waxaana sidoo kale ka qeybgeli doona hoggaamiyaasha 35 dal.

Madaxda kale ee shirkaasi ka qeyb geli doonta ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Bankiga horumarinta Afrika Adesina Akinwumi, Xoghayaha guud ee Ururka Ganacsiga ee COMESA, Sindiso Ngwenya iyo wakiilka Guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobey ee Afrika Vera Songwe.

Madaxda Wadamadooda lagu casuumay ee ilaa iyo hadda la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah Congo, Brazzaville, Niger, Chad, Uganda, Djibouti,Somalia, Madagascar, The Gambia, Guinea Bissau, Mozambique, Nigeria, Central African Republic, Libya, Burkina Faso, Angola, Zimbabwe, South Africa, Senegal, Kenya, Mali, Madagascar, Gabon, Guinea, Sahrawi, Ghana, Lesotho, iyo Comoros.

Shir madaxeedka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa markii la soo gaba gabeeyo waxaa halkaasi lagu saxiixan doonaa heshiiska dhaq dhaqaaqa Ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmo ka hor dib u dhigtay booqasho isaga iyo wafdi uu horkacayo ku tegi lahaayeen dalka Qadar, sababo la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan baarlamanka awgeed, lamana oga sida uu ka yeeli doono ka qeyb galka shirkan maadaama ay weli taagan tahay xiisadii ka baajisay safarkii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -