Xildhibaanada Mooshinka waday oo galabta dhoolatus ku soo bandhigay tiradooda (Daawo Sawirro)

Xildhibaano ku dhow labo boqol oo isugu jiray kuwii mooshinka ka soo gudbiyey Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaano kale oo taageeray ayaa galabta kulan u muuqday dhoolatus siyaaasadeed ka dhigay magaalada Muqdisho.

Kulankan cudud muujinta ah oo ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhex muuqday xildhibaano xilal Wasiirnimo ka haya Xukuumada raisul wasaare Khayre, kuwaasoo wax ka soo abaabulay mooshinkan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka qeyb galay oo khudbado ka jeediyey halkaas ayaa wacad ku maray iney isbedel ku sameyn doonaan gudoonka sare ee baarlamanka Somalia, iyagoo ugu baaqay gudoomiye Jawaari inuu iska casilo xilka haddii  kale ay u cod ku ridi doonaan.

Waxaa Kulankan ka dhex muuqday  xildhibaano laacibiin ku ah abaabulka mooshinada iyo howlaha noocan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo sidoo ah Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumada Somalia, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo qaar kale.

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo xaalad adag ku jira ayaa ku adkeysanaya inuusan is casileynin, uuna doonayo in baarlamanku u codeeyo mooshinka laga keenay.

Kulanka xildhibaanada labada boqol ku dhow ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dharbaaxo siyaasiyadeed ku yahay gudoomiye Jawaari oo hadda u muuqda inuu lumiyey taageeradii uu ku lahaa inta badan xildhibaanada Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -