Tiro dad ah oo lagu laayey kaniisad ku taalla Magaalada Dablo (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan todoba ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla waqooyiga dalka Burkina Faso maanta oo Axad sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi

Goob-joogeyaal ah ayaa sheegay in dhowr dabley hubeysan oo ku socday mootooyin ay gudaha u galeen kaniisadda ka dibna ay halkaas ku laayeen todoba qof oo uu ku jiray baaderigii kaniidadaas.

Kooxda falkaas geysatay ay markii dambe dab qabadsiiyey dukaamo badan oo ku yaalla degaanka Dablo oo ka tirsan gobolka Sanmatenga ee dhaca waqooyiga dalka Burkina Faso sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan dowladda wadankaas.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah mowjado weerarro ah oo ay kooxo mintidiin islaamiyihiin ah ka fulinayeen dalkaas.

Bishii la soo dhaafay ayaa weerar noocan ah lagu qaaday kaniisad kale oo ku taalla isla waqooyiga, kaasoo lagu dilay 6 qof oo ku sugnaa kaniisadaas.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, kooxaha mintidiinta islaamiyiinta ah ayaa ku dhawaad 400 oo ruux ku dilay dalka Burkina Faso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -