Ciidamada amaanka oo qabtay Burcad dil iyo dhac ka geestay Xarun Hormuud leedahay 

Ciidamo hubeesan oo ku labisnaa dareeska ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa xalay galay xarun ay shirkada Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay Xaafada Saybiyaano ee degmada Hodan.

Weerarka burcada ku qaadeen xarunta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qof shacab ah halka sidoo kale haweeney ku dhaawacantay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in burcada dhac u geesteen xarunta Hormuud.

Ciidamada booliiska ayaa durba ku baxay xarunta ay weerareen burcada xirneed dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana la sheegay in booliiska soo qabteen qaar kamid ah burcadii weerarka fuliyay.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka booliiska ku guuleesteen in ay soo qabtaan labo kamid ah burcadii weerarka ka dambeeyay iyo hubkooda.

“Ragg burcad ah ayaa bacda afur weeraray Xarunta Hormuud Seybiano ee degmada Hodan. Waxeey dileen hal nin sidoo kalena dhaawaceen hal gabar shacab ah. Ciidanka boliiska waxeey ku guleysteen in ay qabtaan labo ka mid ah burcadka iyo hubkooda” ayey tiri Taliye Zakiya.

Burcad hubeesan oo inta badan xirta dareeska ciidanka dowlada ayaa marar badan dhac ka geestay xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada Muqdisho, burcada ayaana marar badan ka baxsaday gacanta laamaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -