Ma mooddaa in Madaxda Dowladda uu ka muuqdo jil jileec halis gelin kara madaxbanaanida dalka ?

Inta aanan u gelin dulucda qormadeyda aan marka hore u jawaabo qaar ka mid ah wariyayaasha Soomaalida ee ka howlgala qeybo ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga qaarkood Kuwaasi oo waayadan caadeystay isticmaalka ereyo liddi ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dalka sida ereyga; Soomaaliya iyo Soomaaliland oo kale. Erayadan, Ayaa liddi ku ah wadajirka dadka Soomaalida iyo qiyaankooda maadaama loola jeedo kala qeybintooda.

Waxaan xusuusinayaa wariyayaashan Somaalida in umadda Soomaalidu ay tahay umad mid ah, Islamarkaana ay mideeyeen waxyaabo badan oo muhiim ah sida; diin, dhaqan, af iyo waliba dhalasho. Inkasta oo ay Soomaali mareyso marxalado adag oo qatartooda leh, Hadana taa macnaheeda ma’ahan in umadda Soomaaliyeed ay kala tageyso ama ay isu dhiibeyso shirqoolada ay u maleegayaan cadowgeeda sida Itoobiya oo kale.

Dadka Soomaalidu, Waxay soo mareen marxalado kuwan ka adag, kana dhib badan sida ay xuseyso taariikhda dadka Soomaalida. Tusaale ahaan, Waxay Soo mareen xiliyo uu dalkoodu joogay gumeysi cad oo naxariis-laawo ah, Kaasi oo helayey kuwa Soomaali ah oo gumeysiga u khidmeeya. Waxay kaloo soo mareen xilliyo ay jireen qabqablayaal dagaal iyo waliba kuwa sheegta siyaasiyiin balse aan waxba ka aqoon siyaasad iyo wax loo galoba.

Wariyayaalow, Waxay dadka Soomaalidu fahamsan yihiin in dalkoodu uu mid yahay wallow uu ka jiro khilaaf u dhaxeeya kuwa ku jira siyaasadda. Waxay kaloo fahamsan yihiin in Dowladda Federaalku tahay midda Soomaaliya ku matasha dhammaan fagaarayaasha Caalamka sida UN-ta oo kale. Waxay kaloo og yihiin in maamulka Soomaaliland uu yahay maamul lokol ah oo ka arimiya qeybo ka mid ah deegaanada Waqooyi wallow uu ku hadaaqo hadalo aan loo baahneyn.

Waxaan u sheegayaa wariyayaashani in uu sareeyo wacyiga qofka Soomaaliga ee maanta nool, Islamarkaana uu wax ka yaqaanno shuruucda Caalamiga iyo sida ay dowladuhu u shaqeeyaan, Waana sababtaasi sababta aan waxba looga soo qaadin hadaladiinna fooshaxun ee aad ugu adeegeysaan cadowgeenna. Waxaana aamisanahay in la joogo xiligii la idin kula xisaabtami lahaa khaladaadka aad dalka ka galeysaan.

Anigu, Waan la yaabaa runtii marka aan arko wariye Soomaali ah oo u shaqeeyo idaacado caalami ah, Islamarkaana wax ka yaqaanno shuruucda Caalamka oo hadana maalin walba la soo taagan erayo (Soomaaliya iyo Soomaaliland)  liddi ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dalkan xorta ah, Islamarkaana leh dowlad la aqoonsan yahay oo federaali ah. War goormey Islaamnimo iyo Soomaalinimo ka muhiimsanaadeen sharciyo shisheeye iyo dhowr kun oo doolar oo mushaar ah ?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan cinwaan uga dhigay: Ma mooddaa in Dowladda Federaalka uu ka muuqdo jileec halis gelin kara midnimada iyo madaxbanaanida dalka ?  Anigu, Waxaan qabaa runtii in uu muuqdo jileec badan oo halis gelin kara qaranimada dalkan iyo waliba guud ahaan muqadasaadka dadka Soomaalida Inkasta oo aan faahfaahn doono jileeca aan maanta ka waramayo.

Sidan soo sheegeyba, Waxaa Dowladda Federaalka muuqda jileec badan oo aysan qiil u heli Karin maadaama ay haysato sharciyad caalami ah iyo waliba taageerada dadweynaha Soomaalida dal iyo dibadba wallow ay jiraan dhinacyo Soomaali ah oo ka soo horjeeda Dowladdan sida Xarakada Al-shabab oo kale oo iyadana dhinaceeda dooneysa inay maamusho dalkan halista ugu jira inuu ku dhaco gamco shisheeye oo aan naxariis lahayn sida duweylatu Imaaraadka oo kale.

Waxay ahayd, in Dowladdu ay deg deg wax u qabato marka lagu soo xadgudbo qaranimada dalka ay masuulka ka tahay sida ay dowladuhuba sameeyaaan, Laakiin nasiibadarro waxaan arkeynaa Iyadoo iska aamusan xilli ay dalal shisheeye ka adeeganayaan gudaha dalkii ay mataleysay. Taasi oo runtii sharafta ka qaadday Dowladda Federaalka, Kana dhigtay dowlad daciif oo ay cid kasta u soo muhato sida hadaba taagan.

Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa shirkado shisheeye oo heshiisyo caalami ah la galayo maamullo lokol ah sida Soomaaliland iyo Buntand oo kale, Halka Dowladda Federaalka aysan waxba kala socon heshiisyadaasi . Waxaad kaloo arkeysaa dowlado shisheeye sida Itoobiya oo kale oo iyagana heshiisyo waa weyn la galeyo maamullo daciif ah sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kale, Xilli ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo la aqoosan yahay.

Waxaa hadda waxaasi oo dhan ka daran shirkadda DP World oo la wareegtay dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo dhamaantood lagu dhisay magac dowlad Soomaaliyeed, Xilli aysan heshiisyadaasi la socon dowladdii sharciga ahayd iyo waliba hay’adaheedii dastuuriga. Waxay kaloo shirkaddaasi sheegtay in Soomaaliland ay tahay dal madaxbanaan, Halka ay Dowladda Federaalkuna ku tilmaantay dowlad daciif ah oo aan waxbo la weydiineyn !

Shirkadda DP World, Ayaa bixisay saami badan Iyadoona siisay Itoobiya oo ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee sababta u ahaa burburkii ku dhacay qarankii Soomaaliyeed ee xoogga badnaa. Itoobiya, Ayaa mar un ku hamineysay inay hesho heshiisyo noocaani oo kale ah si ay mustaqbalka ula wareegto dalka, Iyadoo ku andacooneysa inay ilaalineyso heshiisyadaasi. Sow ma’ahayn in canshuur-dhaaf loo sameeyo haddiiba ay isticmaaleyso dekedda Berbera ?

Intaasi kuma eka jileecyada ka muuqda Dowladda Federaalka ee halis gelin kara dalka iyo waliba sharafka qofka Soomaaliga iyo hantidiisa. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa Iyadoo ka aamusan gabood-falada ay Kenya ka waddo gudaha Gedo iyo Jubooyinka. Waxaad kaloo arkeysaa Iyadoo aysan waxba ka oroneynin dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada shisheeye ee dalka jooga. Ma garaneysaan inta qof ee lagu dilay duqeyn cir ah oo aan waxba la iska weydiin ?

Jileecyada ka muuqda Dowladda Federaalku, Waa kuwa qatar gelin karo madaxbanaanida dalkan iyo waliba diinta Islaamka, dhaqanka dadka Soomaalida iyo waliba luuqaddooda. Mana garaneyno runtii sababaha ku xanbaarayo kuwa horbooda hay’adaha ay ka kooban tahay Dowladda federaalka inay dalka dayacaan, Iyagoona iska riixayo dhaartii ay mareen iyo waliba balanqaadayadii ay sameeyeen, Gaar ahaan xiligii ay tartamayeen.

Anigu, Markii aan u guurgalay sababaha keenayo jileeca muuqdo, Waxaa runtii ii soo baxay in shaqsiyaadka xilalka u doonta Dowladda Federaalka ay yihiin kuwa jilicsan oo aan karti badneyn, Islamarkaana lahayn aqoon fiican oo ku aadan dowladnimada iyo sida ay u shaqeyso. Waxaa kaloo ii soo baxay in shaqsiyaadkaasi aysan lahayn caqiido adag oo u sahasha qaadashada go’aanno adag oo geesinimo ku dhisan.

U fiirsada marka ay fagaarayaasha ka hadlayaan, Islamarkaana si fiican u daymooda wajiyadooda, Waxaad ka dareemeysaan cabsi iyo welwel iyo isku kalsooni la’aan. Wali wajiyadooda ma ka dheehateen xanaaq iyo carro marka ay ka hadlayaan dhibaatooyinka loo geysanayo dalka iyo dadka ? Anigu, Wali ma arag shaqsiyaadka u shaqeeya Federaalka oo wajiyadooda laga dareemayo caro, Gaar ahaan marka ay ka hadlayaan faragelinta ka imaaneyso dalalka Itoobiya, Kenya iyo waliba duweylatu Imaaraad.

Yaabka jira ayaa ah, In mararka qaar ay xittaa isticmaalaan ereyo kala qeybinayo dalka sida ereyga; Soomaaliya iyo Soomaaliland oo kale. Halka aad marar kale arkeyso Iyagoo u hadlayo sidii inay matalaan maamul goboleed oo kale, Oo aysanba xubin ka ahayn dowlad federaal oo aqoonsi caalami ah haysato. Wali yaa arkay Iyagoo carabka ku adkeynayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo waliba wadajirka umadda Soomaalida ee muslimka ah ?

Qaarkood, Waxa ay maamulka Soomaaliland u arkaan sida dal madaxbanaan oo kale. Halkii ay ahayd inay u arkaan maamul goboleed la mid ah maamulada kale ee dalka ka jira sida Buntland oo kale. Qaarkood, Waxay ka baqaan inay wax ka sheegaan khaladaadka uu galayo maamulka Buntland oo ah maamul aad u jecel shisheeyaha iyo doolarkiisa, Isagoona inta badan iska indhotiro khataraha ka imaanayo shisheeyaha iyo aratida oroneysa: Give and Take.

Kuma xirna tabarta ay dowladi leedahay sida ay isaga difaacdo gardarooyinka uga yimaado dalal kale, Ee waxa ay ku xiran tahay sharciyadda ay dowladdaasi haysato iyo sida ay u isticmaasho. Tusaale ahaan, Haddii ay Dowladda Federaalku istcimaali weyso sharciyadda caalamiga ee ay haysato, Hadabo maxay isticmaaleysa oo ay dalkan ku badbaadineysaa ? Ma waxay kaalmo weydiisaneysaa dalal kale oo maslaxado kalo leh, Si ay u difaacaan ?

Anigu, Ma garanayo sida ay dadka qaar u fahamaan dowladnimada iyo sida ay u shaqeyso. Waxaan kaloon garaneynin sida looga baqo shisheeye daciif ah sida duweylatu Imaaraad oo kale, Iyadoo la yaqaanno taariikhda dadka Soomaalida . Haddii aad maanta difaaci weydo dalkaaga hooyo, Adigoo waliba hayo xil iyo awood dastuuri ah. Hadabo, Goormaad difaaceysaa dalkaaga ? Ma marka aad dhimato mise marka dalka la qaato ?

Anigu, Runtii ma arko in Dowladda Federaalku ay dalkan difaaci karto, Iyadoo taageero ka heleyso shisheeyaha qaar ee ay ka cabaneyso sida Imaaraadka oo kale. Waana sababtaasi sababta aan u maleynayo inay mar walba u aamusan tahay ama ay u dacwooneyso dalal kale oo ay saaxiibo yihiin kuwa ay ka cabaneyso. Suurtagal ma tahay inaad dhaqaalo gurato, Islamarkaana aad ka cabato faragelinta ninkii aad dhaqaalihiisa guraneysay ?

Haddii ay Dowladda Federaalku dooneyso inay ilaashato haybaddeeda dowladnimo si ay u sii wadato kalsoonida dadweynaha Soomaalida, Waa inay joojisaa ku tiirsanaanta dalalka shisheeyaha ah ee ay ka cabaneyso sida Itoobiya iyo Imaaraadka oo kale. Waana inay xilalka muhiimka ah u dhiibto shaqsiyaad adag oo aan ka baqeynin shisheeye iyo caga-jugleyntiisa, Islamarkaana aaminsan midnimada iyo madaxbanaanida dalka .

Ugu danbeyn, Waxaan Dowladda Federaalka u soo jeedinayaa inaysan gorgortan ka gelin midnimada iyo madaxbanaanida dalka, Islamarkaana ay gacan bir ah ku qabato maamul goboleedyada ka jira dalka sida Soomaaliland oo kale. Waxaan kaloo u soo jeedinayaa Dowladda  inay ku dadaasho dib-uheshiisiita iyo musaalaxada dadka Soomaalida oo ah furaha kheyrka, Si looga hortago faragelinta shisheeyaha iyo waliba kaalamdooda sumeysan. Soomaaliya ha noolaato Iyadoo mid ah.

W/Q: Maxamed B. Ibrahim

iidka1@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -