Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney ka soo dhacday dayuurada Emirates oo ka kaceysay garoonka Entebbe

Haweenay ka mid aheyd shaqaalaha marti-soorka duulimaadyada ee shirkadda Emirates Airline ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa geeriyootay kadib markii ay ka soo dhacday diyaarad.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday garoonka Entebe ee caasimadda dalka Uganda, halkaasoo la sheegay in ay ka soo fakatay mid ka mid ah albaabada dayuurada oo furnaa xili ay kaceysay dayuurada kuna ordaysay run-wayga loogu talo galay,

Lama sheegin dalka ay u dhalatay gabadhan balse Isbitaal ayaa loola cararay, halkaasoo ay markiiba ku dhimatay.

Wakaaladda wararka AFP ayaa kasoo xigatay maamulka shirkadda Emirates Airlines in xubin ka mid ah shaqaalahooda ay dhimatay.

Laanta duulista hawada sare ee Uganda ayaa sheegtay inay baaritaan ku samayn doonto falka dhacay iyo sababtay keentay in mid ka mid ah albaabada dayuurada uu furmo xili ay kaceysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:Hadal haynta Ugu badan oo noqotay Weerarkii Xasan Shiikh ku Qaaday Farmaajo shaaciyayne….

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo qaabilay wefdi ka socday hay’adda IOM

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo Indhihiisa kusoo arkay abaaraha saameeyey degaanka Soomaalida (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---