Allbanaadir.com
NEWS

Dalladda Mucaaradka Puntland oo Shaacisay Jadwal Doorasho oo hal dhinac ah

Qoraal kasoo baxay Dallada ay ku midaysan siyaasiyiinta mucaaridka ah ee Puntland ayaa maanta lagu shaaciyay jadwal doorasho oo hal dhinac, hal wali khilaaf xooggan uu ka jiro nuuca doorasho ee Puntland ka dhaceysa.

Dalladda ay ku mideysan yihiin mucaaradka Siciid Deni ayaa waxa ay sheegeen  in ay 1. December 2023 magacaabi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, halka 31 Dec ay shaacin doonaan xildhibaannada cusub.

Qoraalka ayey sidoo kale Dalladda mucaaradka Puntland ku shaaciyeen in doorashada guud ee Puntland ay dhici doonto waqtigeeda rasmiga ah oo ku beegan 8-da bisha Janaayo ee sannadka 2024-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey dagaal caawa soo gaaray oo maanta ka dhacay Jeexjeexa

Caydiid Ali

Qeybtii 2aad: Ciqaabta madaxda Meherada ka dhigtay xatooyada Xoolaha shacabka

Caydiid Ali

Dowlada Turkiga oo jawaab caro leh ka bixisay talaabo uu qaaday Faransiiska

Caydiid Ali
Taboola Ads ---