Muqdisho oo caawa qabowsatay & Neecow Macaan oo la dareemayo (Maxaa soo kordhay)

Roobab xooggan ayaa caawa ka da’ay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo ah kuwa xiligii gu’ga oo bilowda sanad kasta marka la soo gaaro xiliydan oo kale.

Roobabkan oo aad loo sugayey ayaa si weyn loogu diirsaday, waxayna wax badan ka bedeleen cimiladii magaalada oo todobaadyadii ugu dambeeyey laga dareemayey kuleyl aad daran oo dadka u diiday jiif iyo joog, iyagoo ku soo beegmay xili la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan oo labo habeen habeen ka hor bilatay.

Waxaa wadooyinka laamiga ah iyo xaafadaha khul-khulayay biyo iyo daadad ka sameysmay roobabkan oo bilowday caawa xiligii afurka ka dib, waxaana iskugu soo baxay xaafadaha magaalada dadweyne fara badan oo ku faraxsanaa raxmaadka eebbe.

Inkastoo uu joogsaday roobkii xooganaa ee caawa fiidkii da’ay haddana waxaa magaalada ka da’aya roobab goos goos ah, iyadoo la maqlayo daryanka onkod aad u xoogan iyo hilaac ay wataan roobabkan.

Sidoo kale roobab kuwan la mid ah ayaa caawa laga soo sheegayaa iney ka socdaan qaar ka mid ah gobolada dalka oo ay ka jireen abaaro iyo biyo la’aan.

Shacabka magaalada Muqdisho oo maalmahan dareemayey kuleyl fara badan oo habeen iyo maalin ah ayaa si weyn ugu farxay roobabkan oo ay sheegeen iney ku diirsadeen ayna dareemayaan jawi macaan iyo neecow.

Dhinaca kale, roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan heysan hoy wanaagsan oo ay ka dugsadaan roobka iyo qabowga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -