Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo dhax maray Al Shabaab iyo Ciidanka Dowlada 

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in galabta deegaan kuyaala duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka dowlada iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalyahno hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo iyo mid toos ah isugu jiray ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya kuwaa oo kasoo baxay deegaanka Yaaqle oo kuyaala duleedka Balcad.

Dagaal xoogan ayaa la sheegay in uu dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabaab , waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac uu soo kala gaaray labada dhinac.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dileen Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada dowladda Gaashaanlle dhexe Cali Cariif ,sidoo kale ay dhaawac halis ah ku gaarsiiyeen kuxigeenkiisa C/Kariim Hilowle.

Al Shabaab ayaa  sheegtay in dagaalka galabta ku dileen 11-askari oo katirsan ciidanka Milatariga, warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ku gubeen 3-gaari oo nuuca dagaalka ah.

Saraakiisha dowlada iyo maamulka Hirshabelle ayaan ka hadlin dagaalkan galabta ka dhacay duleedka degmada Balcad iyo warka kasoo baxay Al Shababa ee ku aadan in dagaalka ku dileen saraakiil iyo ciidamo milatariga katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -