Madaxda Sare ee dalka oo shacabka ugu hambalyeeyey bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Mudane Maxamed Candullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka kula dar-daarmay in laamaha Amniga gacan lagu siiyo siday waajibaadkooda ugudan lahaayeen ayna u sugi lahaayeen Amniga,isagoo Hay’adaha Amnigana ugu baaqay inay u turaan Shacabkooda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan

“Waxaan dhammaan shacabka muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaayaa bilaawga bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin dhib yareeyo Ramadaanka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in bishaan uga faa’iideestaan in ay isu soo dhawaadaan, dalkana u duceeyaan, waxa uuna Allah ka rejeeyay in bishaan Barakaysan ay dhamaato dalka oo Barwaaqa ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -