Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Khayre iyo Xaaf oo xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Garoowe (Daawo Sawiro)

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali  Kheyre ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Garoowe, kula kulmay Madaxweynaha mamaulka Galmuudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo qaar kamid golaha wasiiradiisa.

Xaaf ayaa ka mid ah qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee khilaafka xoogan uu kala dhexeeyo dowlada federaalka.

Kulankan ayaa gogol-xaar u ahaa habkii xal waara loogu heli lahaa khilaafka Galmudug iyo dowlada dhexe sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka Galmudug.

Khayre ayaa illaa shalay ka waday magaalada Garoowe kulamo uu la yeelanayey qaar ka mid ah madaxda dowlada goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka Garoowe.

Madaxda Sare ee dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku wada sugan magaalada Garoowe, iyagoo ka qeyb galaya shir wada tashi ah oo halkaas uga furmaya maanta kaasoo looga hadlayo xaalada dalka iyo xalinta khilaafaadka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Caruur u kalaheysay dugsi Quraan oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho

Caydiid Ali

Kulan Xasaasi ah oo dhax maray Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---